dagaal ka socdo buuraha calmiskaad
Dawlada buntland ayaa hawgal ay ugu magac dartay hilaac waxay ku qaaday kooxda daacish ee ku dhuumaalaysato buuraha golis ee gobolada bari iyo sanaag.
Hawl galadaan ayay maamulka buntland ka gaareen guulo waawayn oo wax ku ool ah ayadoo ay degaano badan la wareegeen ciidan ka geesiyaasha daraawiishta dawlada buntland
Hawl galkaan ayaa taageero ka helayo shacabka deegaanada buntland ayakoo ciidanka la garab taagan dhiiri galin iyo kaalmooyin dhaqaale.
Madaxda dawlada federal ka ayaa ilaa hada ka aamusan hawl galkaan oo muhiim u ah shacabka soomaaliyeed ayadoo ay dawlada u aragto siyaasad dhankeeda lidi ku ah haday ku guulaysato dagaalkan dawlada buntland
Siyaasiyiinta mucaarad ka ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha qaranka mudane xassan sheikh maxamuud inuu siyaasadeeyay dagaalka ka dhan ka ah argigixisada ayagoo sheegay in madaxwaynuhu uusan kala aqoon shaqsiga ay siyaasada isku hayaan iyo shacab ka uu u dhaartay
Ccwarsame oo ah siyaasiga ugu codka dheer siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhawr jeer ka hadlay arimaha la dagaalanka argigixisada uguna hambalyeeyay maamulka buntland guulaha ay ka gaareen hawl galka kuna eedeeyay madaxwaynaha dawlada federalka Somalia mudane dr xassan shekh maxamuud siduu uga gaabiyay taageerada iyo garab istaaga hawlgalka hilaac ee lagu soo afjarayo kooxda daacish ee ku jirto buuraha calmiskaad ee gobolada bari iyo sanaag.
Diyaaradaha dagaalka ee dawlada maraykanka ayaa duqaymo waawayn ka gaystay godad ay ku dhuumanayeen madaxda kooxda daacish halkaas oo ay qasaaro wayn ugu gaysteen waxaan xog ku helnay in xubno muhiim ah ay ku geeryoodeen halkaas.
Dawlada buntland ayaa fursad u aragto in ay ka helaan taageero ciidamada cirka ee dawlada maraykanka
Hawl galkaan ayaa u baahan taageero caalami iyo midka dawlada federalka Somalia
Madaxwaynaha maraykanka Donald trump ayaa la filayaa in uu taageerada dhaqaale iyo military ka goosan doona Somalia asagoo horay u sheegay arinkaan inkastoo hawl galadii military ay ka wadaan wali Somalia ciidamada cirka ee dawlada maraykanka
Dawlada buntland ayaa u mahadcelisay maraykanka iyo imaaraatka siday u garab siiyeen ciidamada daraawiishta buntland ayadoo ay ka gaabsadeen warar kasoo baxay Africom oo sheegayo in ay iska kaashadeen dukhaymaha dawlada federalka Somalia iyo diyaaradaha maraykanka
Madaxwaynaha maamulka buntland siciid abdullahi deni ayaa maalin hore ka sheegay magaalada boosaaso in uu soo dhamaaday dagaalka wajigiisii koobaad lana bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ayadoo ay wali kusii socdaan sooma jeestayaasha daraawiishta buntland godadka ay ku dhuumanayaan kooxda daacish inkastoo dagaalku uu bilow fiican yeeshay hadana waxkasta waa laga filan karaa natiijada dambe iyo in ay guuluhu noqon karaan kuwo lagu khatimo hawl galka