wararka siyaasadda iyo arimaha dalka

warar xaqiiqo ah

Xisbiga himilo qaran ee uu hogaamiyo madaxwaynihii hore ee Somalia mudane shariif sheikh ahmed ayaa war saxaafaddeed kasoo saaray arimaha doorashooyinka soomaalia ee 2026 war saxaafadeed kaan ayaa lagu sheegay in haddii madaxda filla Somalia ay qaban waayaan doorasho loo dhan yahay oo xalaal ay mucaaradku qaban doonaan doorasho.

Xisbiga himillo qaran oo ah xisbiga kaliya ee sitoos ah u dhaliilo dawladda uu hogaamiyo madaxwayne xassan sheikh ayaa la filayaa in uu qaado talaabooyin ka hortag ah oo lagu joojinayo damaca filla Somalia ee ah doorasho qof iyo cod ah taasoo haatan aan suurtagal ka ahayn koonfurta Somalia.

Madaxwaynaha Somalia mudane xassan sheikh mahamuud ayaa ku adkaysanayo go aan kiisa ah in dalka ay ka  dhacdo doorasho qof iyo cod ah taasoo lagu fasiray kalmad xaq ah oo lagu doonayo baadil

Hanti dhawraha qaran ka Ahmed isse guutaale oo ka mid ah saaxiibada dhow ee madaxeayne xassan ayaa cod laga soo qarxiyay asagoo ka hadlayo xaallada uu ku sugan yahay madaxwaynaha iyo dalkaba asagoo sheegay in madaxwaynaha uu ku sugan yahay xaalad caafimaad darro xaga dhimir ka ah wax yaabaha uu ku duray caafimaadka madaxwaynaha waxaa ka mid

Go aan kii raaskambooni lagu geeyay ciidamada qaran ka eedayntii dawladda ethopia uu u jeediyay kuna tilmaamay ethopia inay tahay cadawga ugu wayn ee Somalia ayadoo ay ciidamadda ethopia joogaan dalka Somalia si nabad ilaalin ah oraahda ka caan baxday masjidka madaxtooyadda ee ah loo joojin mayo iyo qodobo kale.

Hanti dhawraha qaranka mr guutaale wuxuu ugu baaqayaa codkiisaas in wadatashi ay iskugu yimaadaan umadda soomaaliyeed oo ay dalkooda badbaadiyaan asagoo hadalkiisa sii raaciyay in madaxwaynaha oo aan maskixiyan u caafimaad qabin uu saxiiyay heshiisyo badan oo halis ku ah dalkeena

Kadib codkaas markuu soo shaac baxay waxaa isla xisaabtan loogu yeeray hanti dhawraha qaranka ayadoo la doonayo in loo sameeyo kiis dambi oo xilka looga qaado laguna xukumo

Ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan in madaxwaynaha uu aad uga carooday hadalada hanti dhawraha

Taas oo u sahashay in mucaaradka dalka ay ku goodiyaan inay qabtaan dooraho

Ayadoo la filayo in magaaladda garoowe ee caasimadda maamulka buntland ay marti galiso shirar iyo gudiyo doorasho oo ay mucaaradka qabsadaan taas oo ka dhigayso in uu dalka yeelan doono laba baarlamaan iyo laba madaxwayne

Sida la filayo madaxwaynaha ay ka go an tahay tiisa mudane xassan sheikh mahamuud ayaa caqabado kala kulmi doono beesha caalamka waana halka uu darbiga kasoo taaban doono

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *